Khamiis , Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in xisbigiisu diyaar uyahay furista ururada siyaasada.
Cirro ayaa sheegay in Waddani diyaar u yahay furista ururada siyaasada iyo doorashooyinka kale ee soo fool leh.
"Dalkeenna waxaa ku soo socda 3 doorasho, doorashadii golaha guurtida, doorashadii madaxtooyada, doorashada iyo ta ururada siyaasadda".
Xisbiga Waddani saddexda doorashaba diyaar buu u yahay, ee ninkii wax isla hayow bannaanka u soo bax" ayuu yidhi Cirro.
Cirro ayaa doorashada ururada siyaasada ka danbaysiiyay doorashada madaxtooyada marka la eego sida uu hadalkiisa u dhigay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxammed Faarax, ayaa isagu hore u sheegay in ururada la furi doono 6 bilood kahor doorashada madaxtooyada.
Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]