4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 8 , 2021
Gobolka Banaadir oo shaaciyay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad


Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - Waxaa maanta si rasmi ah loo shaaciyay natiijada Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2020-2021 ee dugsiyada gobolka Banaadir.

Munaasabad oo aheyd mid balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa  lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo ka qeyb galay masuulyiinta ugu sareysa maamulka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Cumar Filish ayaa xarunta dowladda hoose Xamar kaga qeyb galay munaasabada lagu soo bandhigayay natiijada Imtixaanka shahaadiga fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banadaair iyo waliba 10 ka arday ee gashay kaalmaha ugu horeeya.

Imtixaanka shahaadiga fasalka 8-aad ee sanadkaan waxaa u fariistay arday gaareysa 25,885 arday ah waxaana lagu galay ilaa 72 goobood oo hoos yimada xarunta gobolka Banaadir.

Tirada guud ee Imtixaanka shahaadiga Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir gashay ee gudubtay ayaa waxaa lagu sheegay 24,198 oo isugu jira  10,275 Dumar ah iyo 13,923 Rag ah, waxaana dhacay sanadkan arday gaareyso  1,687

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u hambalyeeyay dhamaan ardaydii gashay Imtixaanka fasalka 8-aad ee ee dugsiyada gobolka Banaadir, islamarkaana sheegay iney dadaal badan muujiyeen ardayda gudubtay iyo kuwa harayba.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]