4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 7 , 2021
Xulka Kubadda cagta England oo u soo baxay ciyaarta kama dambeysta Horyaalada Yurub ee EURO 2020


Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Xulka qaranka England ayaa u soo gudbay ciyaarta ugu dambeyso tartanka Euro 2020 ee sannadkaan, kadib markii ay garoonkooda Wembley oga badiyeen xulka Qaranka ee dalka Denmark.

 

Ciyaarta oo wakhtigii loogu tala galay bareejo ku dhammaatay ayaa kooxda Danish-ku waxay ku hormareen goolka, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta markii ay mareysay 30 daqiiqo gool qurux badan oo laad xor ah u dhaliyay ciyaaryahankooda Mikkel Damsgaard oo sidoo kale garabka oga ciyaaro naadiga Sampdoria ee ka dhisan Taliyaaniga.

 

Sagaal daqiiqo kadib weerar culus oo ay qaadeen Xulka Saddexda Libaax lagu naaneyso ee Ingiriiska waxaa u suuro gashay iney dhaliyaan goolka bareejada, 39 daqiiqo markii ay ciyaartu mareysay.

 

Banooni uu dhinaca midig ka soo dhigay ciyaaryahan Bukayo Saka oo u ciyaaro naadiga Arsenal ayaa waxaa iska dhaliyay kabtanka Denmark, Simon Kjaer oo difaaca oga dheelo xulka dalkiisa.

 

Qeybtii koowaad ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-1 balse markii la isku soo laabtay fursado badan oo labada dhinac ay heleen, kama aysan faa’ideysanin oo wax gool ah la iskama dhalinin.

 

Sagaashankii daqiiqo ee loogu tala galay ciyaarta waxay ku dhammaatay barbar dhac hal iyo hal ah, waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo waqti dheeri ah taasoo daqiiqadii 104-aad uu Kabtanka England, Harry Kane dhaliyay goolka guusha oo ahaa Rigoore loo dhigay. Inkastoo markii hore laga qabtay gool-kulaadka balse waxaa u suuro gashay markii dambe inuu shabaqa ku hubsado kubbadda uu soo ciliyay Goolhayaha Denmark.

 

England saddex maalin kadib Axada soo socoto oo taariikhdu ay ku aadan tahay 11-ka bishaan waxay ciyaarta kama dambeysta ah, la dheeli doontaa Taliyaaniga oo Final-ka horay ogu soo gudbay kadib markii uu shalay Spain reebay.

 

Labadaan Dal (England iyo Denmark) taariikhda inta la og’yahay waxay wada ciyaareen 22 jeer. England ayaa inta badan guuleystay kulamadaas, iyadoo 13 jeer badisay, halka Danish-ku ay afar mar raayeen. Shanta kulan ee kalana bareejo ama barbar dhac ayey galeen.

 

Tartankaan horyaalada Yurub ee EURO 2020 oo hadda hal ciyaar ay ka dhiman tahay ayaa lagu waday inuu dhaco sannadkii hore, balse wuxuu u baaqday xayiraaddihii cudurka Covid-19 ee lagu soo rogay inta badan wadamada caalamka.

 

Sannadkaan ciyaaruhu waxay bilowday 11-kii bishii aynu soo dhaafnay ee June, waxaana ka qeyb galay 24 dal oo reer Yurub ah, iyadoo lagu ciyaaray garoomo ku yaallo 11 caasimadood oo Yurub ka tirsan.

 

Ciyaarta ugu dambeyso ee finalka tartankaan, ayaa lagu wadaa in 11-ka bishaan oo ku beegan Axada soo socoto ay xulalka Taliyaaniga iyo England ku dhex mari doonto garoonka Wembley oo ku yaallo waqooyi galbeed magaalada London.

 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]