4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 7 , 2021
Qof shacab ah oo lagu dilay magaalada Burco
 

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Nin lagu magacaabo Mustafe Axmed Cali oo 48 jir ah ayaa suuqa magaalada Burco ku toogtay nin la odhan jiray Cumar Cabdi Faarax oo 46 jir ahaa.

Taliyaha booliska gobolka Togdheer gaashanle sare Maxamed Faarax, ayaa ka warbixiyay sida uu dilku u dhacay.

"Mustafe Axmed Cali oo 48 jir ah ayaa 9:30 subaxnimo suuqa Burco dhexdiisa ku toogtay marxuum la odhan jiray Cumar Cabdi Faarax oo 46 jir ah" ayuu yidhi.

Taliyaha ayaa sheegay in ay soo xidheen Mustafe Axmed Cali oo ku eedeysan falka dilka ah.

"Markii nalooso sheegay muddo ilaa 30 daqiiqo ah gudaheed, ayaanu ku qabanay gacan ku dhiiglihii" ayuu yidhi.

"Gacanta booliiska ayaanu ku hayna isla markaana waxaanu horgayn doonana sharciga" ayuu hadalkiisa ku daray.

Ninka falka dilka ah ku eedaysan, ayaa baastoolad u adeegsaday dilka marxuumka.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online