4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 7 , 2021
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar
 

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaaro kala duwan geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu salka ku haayo murun la xariira lahaansho dhuleed waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay afar ruux oo labada dhinac ah.

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa bilaabay dadaalo ay ku joojinayaan dagaalkan ka qarxay inta u dhaxeysa deegaanada Maandheere iyo Daymasame oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Jowhar.

Deegaadan Maleeshiyo beeleedka ku dagaalameen ayaa ka mid ah deegaanadii uu dhawaan ku fatahay wabiga Shabeelle oo uu saameyn xoogan u geystay dadka deegaankaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]