4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Yuusuf Shaacir "Shaqo Xamar layga siiyay oo aan u shaqo tagaya ma jirto"
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Yusuf Shaacir), ayaa sheegay in aanu aqbalin shaqo laga siiyay wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Abwaan Yuusuf Shaacir, ayaa sheegay in anay jirin shaqo uu Xamar u tagayo.

"Maalin dhawayd waraaq baa laga qoray Xamar oo nin wariye ahi ii sheegay oo anan ogaynba, arrintaasi oo buuq dhalisay".

"Meel aan ku idhi Xamar baan tagaya majirto, shaqo Xamar layga siiyay oo aan u shaqo tagayaana ma jirto" ayuu yidhi Yusuf Shaacir.

Shaacir ayaa sidookale sheegay in anu odhan waan aqbalay ama waan diiday wareegtada dowlada Soomaaliya ku magacowday.

"Wareegtada soo baxday meel aan ku idhi waan aqbalay ma jirto, meel aan ku idhi waan diidayna ma jirto" ayuu yidhi Shaacir.

Yuusuf Shaacir oo markii magacaabistiisu soo baxday MMTV waydiiyey in uu aqbalay magacabista iyo in kale ayaa sheegay in aanu wax dhib ah u arkayn magacaabista lana shaqaynayo.

"Iyadoo aan cidi mushaar isiinayn ayaan ka shaqaynayay afka, imikana haday yidhaahdeen waxaanu kaaso waydiino naga caawi dhib umaan arag" ayuu Shaacir hore u yidhi.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]