4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Askarigii ardayga ku toogtay Boorama oo la xidhay iyo maamulka gobolka Awdal oo ka hadlay
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Waxa xabsiga loo taxabay askarigii toogtay Ibrahim Cabdishakur Ibrahim, oo aha arday engineering ka baranayay jaamacada Camuud ee Boorama.

Mayorka degmada Boorama Maxammed Axmed Warsame, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay xadhiga askariga dilka gaystay.

"Marwalba shilalku way dhacaan, tacsi ayaanu u diraynaa qoyska iyo qarabadi, askarigi gacanta gaystayna wuu xidhanyahay" ayuu yidhi.

Badhasaabka gobolka Awdal Maxammed Axmed Caalin Tiimbaro, ayaa sheegay in booliisku baadhis ku hayo dhacdadan.

"Shilkaasi siduu u dhacay booliiska ayaa gacanta ku haya" ayuu yidhi Tiimbaro.

Gudoomiyaha jaamacada Camuud Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa isna tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii isago sheegay in is afdhaaf dhex maray askariga iyo ardayga uu sababay dilka.

Ardayga dhintay maydkiisa ayaa lagu hayaa isbitaalka Boorama, askariga dilka gaystayna waala xidhay oo baadhis ayaa ku socota.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]