4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 6 , 2021
Yuusuf Dabageed " Wax doorasho ah kama dhaceyso Baledweyne hadii madaxweynaha Hirshabeelle imaan waayo magaalada Baledweyne"
 

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa si rasmi u shaaciyay doorashada kuraasta Xildhibaanada labada Aqal ee dowladda Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay magaalada Baledweyne iney ku xiran tahay inuu magaalada Baledweyne yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Yuusuf Dabageed ayaa u sababeeyay doorashada Baledweyne ka dhici doonta inuu saxiixeeda leeyahay madaxweynaha Hirshabeelle hadii aay dhici waysana aysan doorasho ka dhici kareen magaalada Baledweyne.

"Waxaan idiin sheegaya in doorasho aysan ka dhaceyn Baledweyne hadii madaxweynaha Hirshabeelle uu imaan waayo, sababto ah waa asaga qofka iska leh saxiixa doorashada, waa inuu yimadaa oo uu Baledweyne kuso dhaweeyo Raysal wasaaraha Soomaaliya si uu u kormeero goobaha aay doorashoyinka ka dhici doonaan hadii intaas la waayo doorasho ma dhici doonto" ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Yuusuf Dabageed ayaa sidoo kale wacad ku maray in Hirshabeelle dhismaheeda aanan waxba laga badeli doonin, hadii qof la badalayana uu noqon doono qof dhintay kaliya in booskiisa la badalo.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili warar hoose oo soo baxayay ay sheegayaan in kuraasta doorashada labada aqal ee Baledweyne taalo la qorsheynaayo in loo wareejiyo magaalada Jowhar iyada oo loo sababeynaayo in Baledweyne aysan aheyn meel amni ah oo doorasho lagu qaban karin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]