4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Dagaal culus oo Baledweyne ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Kacdoonka Hiiraan
 

Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Golaha Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa ka dhacay magaalada Baledweyne.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Kacdoonka Hiiraan weerar kusoo qaadeen gudaha magaalada Baledweyne, waxuuna dagaalka ka dhacay xaafada Xaawo taako iyo Kooshin gaar ahaan laanta Nuur Xawaad.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay dagaalka oo ahaa mid aad u xoogana oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyo shir lagu wado ineey maanta ku yeeshaan magaalada Baledweyne golaha wasiirada Hirshabeelle oo shalay gaaray magaalada, kaasoo looga hadli rabo amniga magaalada Baledweyne.

Gabagabadii waxaa saakay xiran wadooyin waaweyn ee magaalada Baledweyne halkaas oo lagu arkaayo ciidamada dowlada oo dadka ka celinay iyaga oo ka cabsi qaba iney bilaawdaan banaanbaxyo ka dhan ah Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]