4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Jabhada TPLF oo magaalada Makelle kusoo bandhigtay kumanaan maxaabiis ah


Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Magaalada Makelle ee Caasimada gobolka Tigray waxaa lagu soo bandhigay kumanaan mabaaxiis oo ka tirsan ciidamada Militariga dowladda Itoobiya, kuwaas oo la sheegay in lagu qabtay dagaaladii u dhaxeeyay TPLF iyo Militariga dalka Itoobiya.

Dadweyne farabadan ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimada Makelle ee lagu soo badhigaayay maxaabiistan.

Maxaabiista qaar ayaa waxaa ka muuqday jirkooda dhaawacyo kala duwan, waxaana la arkaayay qaarkood oo wajiyada hoos u fooraarinaayay iyaga oo hoos eegayay xiliga lasoo bandhigaayay.

Soo bandhigista maxaabiistan ayaa imaaneysa xili magaalo madaxda gobolka Tigray aay dhawaan dib ula wareegeen dagaalamayaasha TPLF, waxaana xusid mudan in dagaalo aad u qaraaraa oo gobolkaasi ku dhexmaray militariga dalka Itoobiya iyo Jabhada TPLF inuu sababay barakaca ku dhawaad 2 Milyan oo ruux oo ku noola gobolka Tigray.

Qabsashada markale TPLF gacantooda ugu soo laabatay caasimada Makelle ayaa muujisay awoodo ciidan ee dagaalka Jabhada TPLF kula jirto dowlada itoobiya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]