9/23/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 3 , 2021
General Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho
 

Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - General Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ka tirsanaa Saraakiishii Ciidanka Asluubta ee Dowladdii Dhexe iyo bud- dhigayaashii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saakay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Janaraalka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, halkaas oo ugu dambayn uu saakay ku geeriyooday, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxda Soomaalida.

General subxaanyo, Waxa uu ku dhashay magaalada Baladweyne, sanadkii 1952dii. Sanadkii 1972, ayuu galay kuliyadda millateriga ee General Daud millatery academy oo ku taallay magaalada kismaayo, Kadibna wuxuu aaday 1974 dalki midowga soofiyeeti oo uu kasoo dhigtay kuliyadda milatiriga ee linin ee Moskow oo lagu barto siyaasadda iyo millateriga.

Dhamaadkii dagaalka 77kii waxaa loo diray dalka Germany oo uu ku maqnaa 78kii ilaa 84kii oo uu soo qaatay shahaadada Mechanical Engineering, jaamacadda Rostok ee Germany.

1985 ayuu dalka kusoo noqday, waxa uuna jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciidanka Asluubta, waxa uu madax ka noqday hogaanka siyaasada ee ciidanka asluubta iyo kan gaadiidka iyo isgaarsiinta.

Kadib burburki Dalka, jananku waxa uu la shaqeeyay hay'ado samafal, sidoo kale waxa uu madax ka noqday gudigii Culaysaarka(Pressure Group) oo Shaqadoodu ahayd dhaxdhaxaadinta hogaamiyayaashii koonfurta soomaaliya.

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allaha u naxariistee, General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay general Subxaanyo inuu ahaa waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Wuxuu geeridiisa uga tacsiyeeyay qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed.

“Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo iyo geesinimo leh. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo Qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri raysal wasaaraha.

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, ayaa isagana ka tacsiyeeyay geerida Gen. Subxaanyo. Wuxuu sheegay inuu ahaa sarkaal magac iyo maamuusba ku dhex lahaa bulshada reer Galmudug iyo guud ahaanba Soomaaliya.

 Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/3/2021 3:07 PM EST
Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ugu soo gabagaboobay tababar muddo sadax cisho ah u socday guddiyada doorashooyinka dalka Soomaaliya.

7/3/2021 11:17 AM EST
Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Dad gadoodsan oo iskugu soo baxay magaalada Gabilay, ayaa dab qabadsiiyay calanka buluuga ah ee Soomaaliya.

7/3/2021 10:09 AM EST
Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Ururka caalamiga ah ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan, oo loo gaabiyo Global Initiative, ayaa daabacay warbixin ku saabsan kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya iyo musuqmaasuqa ka dhex jira hay'adaha dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

7/3/2021 6:37 AM EST
Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Baledweyne soo gaaray tiradii ugu badneyd ee golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle tan iyo markii Hirshabeelle madaxweyne ka noqday Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

7/3/2021 4:30 AM EST
Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay toban qof ku geeriyoodeen, halka tobaneeyo kalena ay ku dhawacmeen qarax is-miidaamin ah oo habeenkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

7/3/2021 3:37 AM EST
Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay Maqribkii ka dhacay Maqaaxi Shaaha lagu cabo oo ku taalay agagaarka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

7/3/2021 3:30 AM EST
Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Lix bilood kadib waxaa si rasmi ah loo furay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib xal laga gaaray khilaaf diblumaasiyadeed oo u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

7/3/2021 1:48 AM EST
Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay qarax Ismiidaamin ahaa oo xalay maqribkii ka dhacay goob Maqaaxi ah oo Shaaha lagu cabo kasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.