4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 3 , 2021
Al-shabaab oo sheegatay Masuuliyadda qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho
 

Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xalay Maqribkii ka dhacay Maqaaxi Shaaha lagu cabo oo ku taalay agagaarka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi Ismiidaaminta ahaa ay ku beegsadeen Maqaaxi aay sheegeen iney fariistaan askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jirta Booliis iyo Militari.

Waxay sheegeen Al-shabaab in qaraxaasi uu fuliyay ruuxa naftii huraha ahaa iney ku dileen ilaa 15 ruux islamarkaana aay ku dhaawacmeen 22 qof oo kale.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxa Ismiidaaminta uu ahaa mid qorsheysan oo ka mid ahaa howlgalada aay kula dagaalamayaan dowladda Soomaaliya.

Qaraxyada Ismiidaaminta ah ee aay fulinayaan qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo ka tirsan dagaalyahanada Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay gudaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]