4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Madaxda isbahaysiga mucaaradka Somaliland oo madaxweyne Biixi eedayn u jeediyay
 

Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Madaxda isbahaysiga mucaaradka Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inuu iibsanayo xildhibaanada mucaaradka isla markaana uu dacwaynayo iyo xildhibaanada muxaafadka ee taageera  mucaaradka.

Guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo Waddani Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro), oo siwada jira warbaahinta ula hadlay, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu cashuurtii shacabka ku iibsanayo xildhibaanada mucaaradka isla markaana dhibaataynayo kuwa muxaafadka taageera mucaaradka.

"Waxan leenahay madaxweynaha lacagtii islaanta hilibka iibinaysa, ninka baabuurka wada ee cashuurta wada marista laga qaadayo, islaanta aan masqul haysan ee aan hadh haysan, lacagtii umada masaakiinta ah ayaa maanta lagu iibsanayaa xildhibaanadii" sida waxa yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

"Waa nasiib daro in cashuurtii umada xildhibaanadii lagu xumeeyo, oo wadadoodii laga leexiyo, rag UCID ah oo aan awood u lahayn in uu yidhaa heshiis baan la galay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro) ayaa  madaxweynaha ku eedeeyay in uu qaadanayo xildhibaanadii mucaaradka isla markaana uu handadaad u gaysanyo xildhibaanada muxaafadka ee taageera isbahaysiga mucaaradka.

"Waxaad maqlayseen mudanayaal  axsaabta mucaaradka kasoo baxay oo yidhi waxa aanu taageernay xisbiga dowlada, mucaarad hadal haya marna lama maqal, waad garanaysa tirada muxaafadka kasoo baxday ee taageeray mucaaradka, maalintii ay ka soo baxeen ilaa maanta xan baa socota la leeyahay waala dacwaynayaa" ayuu yidhi Cirro.

Loolanka axsaabta mucaaradka ee Waddani iyo UCID oo dhan ah iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye oo dhan ahi ugu jiraan hanashada shirgudoonka golaha wakiilada cusub ee Somaliland, ayaa halkii ugu saraysay maraya iyadoo labada dhinacba ku howlanyihiin in mid ba midka kale kasoo jiito xildhibaanadiisa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]