4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 29, 2021
Axmed Madoobe: Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeenna ka saarnay hubanti la’aantii doorashada
 

Khamiis, Luulyo, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa guul weyn oo ay gaareen ku tilmaamay in ay Soomaaliya ka saareen hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee muddada dheer soo jiitamaysay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u hambalayeeyay xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalka iyo Jubalandba lagu soo doorto.

“Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan," ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa u mahad celiyay dhamaan guddiyada Doorashooyinka, guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd qabsoomida dorashooyinkan.

Magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa ka socda doorashada aqalka sare waxaana Jubbaland ay noqotay maamulkii ugu horeeyay ee bilaabay hirgalinta doorashooyinka dad ban ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online