4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 26, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay qabatay madaxii Alshabab u qaabilsanaa howlgallinta Shabeellada hoose
 

Isniin, Luulyo, 26, 2021 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Horjogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa howlgalinta gobolka Shabellaha Hoose.

Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ka fuliyeen degmada Janaale ee gobolka Shabellaha hoose ayaa lagu Qabtay Cali Maxamed Aadan oo magaca afgarashada Seed Xaaris.

Dowladdu kama bixin tafaasiil dheer oo ku saabsan sarkaalka la qabtay shaqadiisa gaarka ahayd waxa ay ahayd iyo nuuca uu ahaa howlgalka lagusoo qabtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan dambe ku jirta guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Alshabab, siiba dhinaca Galmudug oo uu ka socdo dagaal xooggan.

Maraykanka ayaa dowladda ka taageeraya dhinaca cirka, isagoo labo gantaal ku garaacay saldhigyo Alshabaab ku lahaayeen Qeycad oo ku dhow Bacaadweyn.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online