4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya madaafiic khasaare geystay oo lagu weeraray degmada Awdhiigle
 

Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo Xalay lagu garaacay degmada Awdhiigle ee gobolka Sh/hoose.

Madaafiicda Xalay lagu weeraray degmada Awdhiigle  ee gobolka Sh/hoose ayaa la sheegay iney geysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa madaafiicda lagu garaacay Awdhiigle ku dhintay 4 ruux oo shacab ah, waxaana la sheegay iney ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 ruux oo kale.

Dadka deegaanka Awdhiigle ayaa sheegay in weerarka madaafiicda ka hor uu dhacay dagaal culus oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi, lamana oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay iney iska difaaceen weerar culus oo kaga yimid dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana ay gaarsiyeen khasaare xoog leh.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku aadan weerarka isugu jiray madaafiicda iyo dagaalka tooska ah ee la sheegay iney ku qaadeen degmada Awdhiigle ee gobolka sh/hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]