4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 25, 2021
Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo soo bandhigay sharuudaha cabashooyinka doorashada
 

Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, ayaa soo saaray sharuudaha cabashooyinka aqalka sare, xilli maanta lagu wado in la shaaciyo guddiyada doorashooyinka iyo musharraxiinta aqalka sare.

Guddiga ayaa sheegay in ay cabashada soo gudbin karaan, musharrax kaste oo buuxiyay sharuudaha, xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo ergada dooranaysa wakiillada Soomaliland.

Guddiga xallinta khilaafaadka waxay sidoo kale sharuud maaliyaddeed oo dhan $3,000, ku xireen cid kaste oo doonaysa in ay cabasho usoo gudbiso.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online