4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 23, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo xilka qaadis ku sameeyay laba Sarkaal oo jebiyay amarkiisa
 

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimahii Shaqaalaha hay'adda Nabadsugida Cabdullaahi Kulane iyo taliyahii Nabadsugida ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

Xilka qaadista lagu sameeyay labadaan masuul ayaa jawaab u aheyd talaabadii maanta garoonka Aadan Cadde loogu diiday iney ka dhoofaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa guddoomiyahii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muwaadiniintii maanta laga joojiyay iney duulaan ay xaq u lahayeen iney ka duulaan garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayay aheyd markii Raysal wasaaraha Soomaaliya uu amar ku bixiyay inaanan garoonka Aadan Cadde laga celin karin muwaadin Soomaaliyeed oo doonaya inuu ka duulo garoonka, waxaana xilka qaadista labadan sarkaal ay imaaneysa xili maanta guddoomiyahii hore ee gobolka Gedo uu Raysal wasaare Rooble ka codsaday inuu xilka qaadis ku sameeyo Cabdulaahi Kulane oo ugu dambeyn xilka qaadis lagu sameeyay saacado kadib.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]