4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 23, 2021
Galmudug oo sheegtay iney dileen ku dhawaad 100 dagaalameyaal ah oo ka tirsan Al-shabaab
 

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga maamul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jab iyo khasaare xoog leh ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaanada maamulka Galmudug.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dagaalada ay kula jiraan Al-shabaabka ku sugan deegaanada Mudug dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay iney ku dileen ku dhawaad 100 ka tirsan dagaalyahanada Shabaab.

Waxuu intaasi ku daray in ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay burburiyeen Saldhigyadii ugu waaweynaa ee Al-shabaab ku lahayeen deegaanada gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada maamulka Galmudug waxaa mudooyinkii dambe ka socday dagaalo culus oo dhexmaraayay Al-shabaab iyo ciidamada Galmudug oo garab ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ayaa shalay warsaxafadeed uu soo saaray guulo la taaban karo kaga sheegtay dagaaladii ay Shabaab kula galeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]