4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 21, 2021
General Saadaq John oo kasoo muuqday jiidaha dagaalka Bacaadweyn ee Galmudug
 

Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Taliyihii hore ee ciiddanka booliiska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan {Saadaq John}, ayaa kasoo muuqday jiiddaha dagaalka ciiddamada Galmudug iyo kuwa xoogga dalka kula jiraan kooxda Alshabaab.

Kasoo muuqashadiisa furimaha dagaalka ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan, in Saadaq John uu la heshiiyay dowladda federalka Soomaaliya, iyadoo la ogaa in bishii abril xilka looga qaaday kadib markii uu ka hor yimid muddo kororsigii barlamaanka.

Taliyaha ciiddamada lugta Soomaaliya, General Maxamed Tahliil Biixi, ayaa sheegay, in general Saadaq John uu qeyb ka yahay saraakiisha safka hore uga jira dagaalada Alshabaab looga xoraynayo Galmudug.

"Saadaq John saraakiisha aan hoggaaminayo ayuu kamid yahay, saddex madax oo aan u qeybinay ayuu qeyb joogaa [hogaaminayaa], saraakiishaas ayuuna kamid yahay. Ciidanka Federaalka kama tirsano, balse waa shakhsi dagaalka ku jira." ayuu yiri taliye Biixi.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isagana bartiisa Facebook soo dhigay, in general Saadaq John ay heshiis ku yihiin dagaalka aagga Bacaadweyn ka socda ee lagula diririyo Alshabaab.

"La dirirka argagixisada ayaa mideeyey markii ay dhacday in siyaasaddu kala geysay, haddii meel la isku diido macnaheedu ma ahan inaan meelo kale la isku waafiqi karin. Gen. Maxamed Biixi iyo Gen. Saadaq John oo ku ballamay ciribtirka argagixisada, waxaa maanta naga maqnaa Gen. Cabdi Qeybdiid oo hawlo shaqo ugu jiray aag dagaal oo kale," ayuu yiri wasiir Fiqi.

General Saadaq John ayaa kasoo jeeda Galmudug, wuxuuna sanadkii 2017 noqday taiyaha nabad sugida gobolka Banaadir. Waxaana markii dambe loo bedelay taliyaha ciiddanka booliiska gobolka Banaadir.

Wuxuu kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii badbaado qaran ee kasoo horjeestay muddo kororsigii barlamaanka uu sameeyay 12kii bishii abril. Go’aankaas muddo kororsiga oo markii dambe madaxweynuhu ka laabtay kadib markii rabshado hareeyeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online