4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 21, 2021
Gabadh 13 jir ah oo u geeriyootay gudniinka Fircooniga ah oo lagu sameeyay
 

Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Gabar 13 jir ah ayaa oo ku noolayd tuulada Jeerinle oo hoos tagta magaalada Gaalkacyo ayaa u geeriyootay dhiig bax kasoo gaaray markii lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah, sida ay HOL u xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelada qoyskeeda.

Geerida Fartuun Xasan Axmed oo reer guuraaga ah, oo dhacday horraantii bishan, ayaa qabsatay wakaaladdaha wararka. Waana kiiskii ugu horreeyay ee dhimashada gudniinka fircooniga gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2018, kadib geeridii Deeqa Daahir Nuur oo ahayd 10-jir.

“Waxaan raadinay gaari si aan u qaadno isbitaal, laakiin nooma uusan suuragalin inuu nasoo gaaro waqtigii loogu talagalay… Ma aanan ogeyn waxaan sameyn lahayn. Markii dambe waxaan helnay gaari, laakiin way dhimatay markii uu yimid, ”waxaa sidaasi yiri, Nadiifo oo ah hooyada Fartun.”

Hooyo Nadiifo waxay sheegtay in ay la joogtay gabadheeda iyadoo dhiig baxaysa subaxii hore, illaa ay ka dhimatay abbaaraha 4-ta galabnimo.

Aabaheed Xasan Axmed oo ah Ari jire ah islamarkaana naafo ka ah indhaha,  ayaa sheegay in gabadhiisu ay ahayd qof hawlkar ah oo caawin jirtay shaqada reerka.

“Wax walba way ii samayn jirtay… Way i caawin jirtay wayna ii karin jirtay cuntada, waxayna xanaanayn jirtay xoolaha markii aan nasanayo, ”ayuu yidhi. Waalidkeed waxay sheegeen inay ka qoomameynayaan go’aanka ay qaateen.

Soomaaliya, qiyaastii 98% ayaa lagu sameeyaa gudniinka fircooniga ah marka ay  gabdhuhu gaaraan inta badan 10 sano.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online