4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 21, 2021
Taliyaha guud ee ciidanka dalka Itoobiya oo shaaciyay iney sugayaan amar la xiriira dagaalka gobolka Tigraay
 

Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Taliyaha guud ee ciidamada dalka Itoobiya Birhanu Jula oo la hadlaayay Wakaalada wararka ee dowladda dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu sugayo amarka madaxda ka sareeysa, si markale ciidamada dowladda dagaal ugu qaadaan gobolka Tigraay ee Waqooyiga dalka Itoobiya.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay diyaar garoobeen waxay kaliya aay sugayaana ay tahay amar la xiriira in gulufka dagaal loo fasaxo.

Waxuu ugu baaqay Jabhada TPLF iney xushmeeyaan heshiiskii xabad joojinta ee horay u wada gaareen labada dhinac.

Hadalka Taliye Birhanu ayaa imaanaya xili maalintii Axada ee lasoo dhaafay la weeraray kolanyo gargaar oo hay'adda cunada aduunka ee WFP ka tirsan kuwaas oo lagu weeraray meel u jirta magaalada caasimada u ah gobolka Canfarta ee Semera 115 KM.

Hay'adda WFP ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday kolanyadeeda gargaarka siday ay baaritaano ku bilaabeen saarakiishooda ku sugan gudaha dalka Itoobiya sidii loo ogaan lahaa cida ka dambeysay weerarka.

Dagaalka u dhaxeeya Militariga dalka Itoobiya iyo Jabhada hubeysan ee TPLF ayaa qaatay mudo 8 bilood ah, waxaana dagaalada u dhaxeeyay ku dhintay dad aad u farabadan waxaana ku barakacay kumanaan kale oo dad shacab ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]