4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 2 , 2021
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Qaraxaan oo ah mid Ismiidaamin ah ayaa la sheegay inuu ka dhacay goob Maqaaxi ah oo ku taala Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kasoo jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa kaasoo dhexgalay Maqaaxida oo ay fadhiyeen dad farabadan.

Lama  oga khasaaraha ka dhashay qaraxan Ismiidaaminta ah ee goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna dad goobjoogayaal ah sheegeen iney arkayeen dhaawacyo laga qaadayay goobta.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa dhacay, kuwaas oo xiray agagaarka goobta baaritaanana ka bilaabay halka uu qaraxa ka dhacay.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]