4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 2 , 2021
Baarlamaanka Carabta oo war kasoo saaray arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya
 

Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Baarlamaanka Carabta ayaa soo dhaweeyay go'aankii dhawaan kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka Soomaaliya ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil Bin Cabdiraxmaan Al-casuumi ayaa bogaadiyay sida madaxda Soomaalida aay u muujiyeen doorka kaga aadana sidii horay loogu dhaqaaqi lahaa si doorasho dalka u aado.

Guddoomiye Caadil Bin Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Baarlamaanka Carabta inuu garab ku siinaayo dowladda Soomaaliya xasiloonida iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay dhamaan dalalka Carabta iyo Beesha Caalamka iney Soomaaliya ka taageeraan sidii looga miradhalin lahaa heshiisyadii aay wada gaareen madaxda Soomaalida oo ku saabsana qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]