7/30/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2021
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay heshiiska qaar kamida xildhibaannada UCID la galeen xisbiga Kulmiye


 

Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo waraysi siiyay BBC, ayaa sheegay in xildhibaanada UCID ee Kulmiye la heshiiyay ay sharci jabin sameeyeen.

Faysal ayaa sheegay in isaga oo kali ahi leeyahay awooda uu cid kula heshiin karo.

"Heshiis kaasi waa heshiis aan sharci ahayn, waxa heshiis gali kara uun madaxda xisbiga khaasatan guddoomiyaha" ayuu yidhi.

Faysal ayaa sheegay in xildhibaanada la heshiiyay xisbiga Kulmiye ay xildhibaan nimadoodu khatar ku jirto.

"Xildhibaannimadooda ayay khatar galinayaan, sharcigu wuxu sheegayaa in xildhibaankii jabiga shuruucdi lagu soo doortay uu kursiga banaynayo" ayuu yidhi.

"Musharax kastana horey ayaanu uga saxeexnay, marka heshiiskaasi waa wax aan waxba ka jirin" ayuu hadalkiisa ku daray.

Faysal ayaa sheegay in ay xildhibaanada Kulmiye taageeray ay kursiga waayi doonaan hadii ay u codeeyaan musharaxa shirgudoonka Kulmiye u sharaxay.

"Markay xildhibaanka Kulmiye u codeeyaan, ayaanu talaabo ka qaadi doona kursigana way waayi doonaan" ayuu yidhi.

Faysal ayaa sheegay in sidi uu awooda ugu laha in uu sharaxo musharixiinta uu awood ugu leeyahay in iyaga oo xildhibaano ah xilka ka qaado.

Xildhibaano uu hogaaminayo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo katirsan UCID ayaa shalay sheegay in ay isbahaysi cusub la samaysteen xisbiga Kulmiye.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/18/2021 1:58 PM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland, ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqday in ay siidayso 42 qof, oo magaalada Boorama loogu xidhay in ay qaateen calanka Soomaaliya 26 Juun.

7/18/2021 9:37 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa mar kale sheegay inuu u sharraxanyahay kursigaa ka tirsan Golaha Shacabka, ka dib munaasabad ka dhacday hoygiisa degmada Ceel-Barde.

7/18/2021 8:22 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyay guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo oo soo gabagabeeyay safarkoodii Garbahaareey.

7/18/2021 4:29 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Guddigii uu Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble u xilsaaray arrimaha gobolka Gedo, si doorashada xubnaha labada aqal uga dhacdo Garbahaareey ayaa ku guulaystay in heshiis laga gaaro doorashada Garbahaareey.

7/18/2021 3:57 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Dowladda Somaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay warbixinta kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.

7/18/2021 3:52 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa xayiraadi ka qaaday diyaarada Air Arabia sida lagu baahiyay boga facebook ee SNLTV.

7/18/2021 2:46 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro ayaa Xalay kulan la qaatay guddiga amniga doorashooyinka dalka ee heer qaran ee uu guddoomiye u yahay taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar.

7/18/2021 1:33 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Meydka laba wiil oo Walaalo ahaa oo ku dhacay Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ayaa laga helay xaafada Buundaweyn ee magaalada Baledweyne.

7/18/2021 1:24 AM EST
Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay magaalada Baledweyne Askari ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya.