4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 16, 2021
Wasiir Cabdiwahaab Ugaas: Degmada Ceel-Barde waxay muhiimad u leedahay guud ahaan Soomaaliya


Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa sheegay degmada Ceel-Barde oo ku taal xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Koonfurgalbeed, inay muhiimad ballaaran u leedahay Soomaaliya, halkaa oo uu ku suganyahay maalintii saddexaad.

Socdaalka uu ku joogo Ceel-barde oo la xiriira u kuurgalida xaaladda deegaan iyo bulsho, wuxuu kulamo la qaatay qeybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo maamulka. Wuxuu sidoo kale kormeeray goobaha muhiimka u ah adeegga bulshada oo xarunta hay’adda Socdaalka, xarumaha waxbarashada, caafimaadka iyo dhismaha socda ee dugsiga sare ee degmada,isagoo tagey ceelasha biyaha ee ku yaalla dulleedka degmada , oo sidoo kale ay adeegsadaan xoolo dhaqatadda guud ahaan gobolka Bakool.

“Saddexda cisho ee aan hadda joogo Ceel-barde waxaan la kulmay guud ahaan qeybaha bulshada oo aan baahiyaha iyo tabashadooda ka dhageystay, waxaana sidoo kale kormeeray xarunta hay’adda socdaalka oo aan annigu wax ka dhagax dhigay, dugsiga sare ee degmadan ay nasiibka u yeelatay oo aan isna dhagax-dhigay, dhismihiisuna socda iyo ceelasha ku yaal magaalada oo muhiim u ah deegaannadan, oo qaarkood cilado la fadhiya, waxaana rajeyn inan dadaal galiyo sidii ceelasha iyo adeegyada kale ee degmadan loo horumarin lahaa.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in Dawladda dhexe ee Federaalka ah iyo Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed kala hadli doono horumarinta deegaankan ku yaalla xadduudda, wuxuu sidoo kale uu ugu baaqay qurba-joogta iyo ganacsatada degmada Ceel-barde inay door muuqda ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada ee deegaanka.Labo cisho oo uu sii joogo doono degmada ayuu sidoo kale sheegay inuu kulamo kale qaadanayo, kormeerna ku tagi doono goobaha kale ee adeegga bulsho.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]