4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 16, 2021
Gabadh katirsanayd saraakiisha nabad sugida Soomaaliya oo muddo labo todobaad ka badan lagu la’yahay nolol iyo geeri
 

Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabadh 23 jir ah oo ka tirsanayd hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, horayna u ahayd agaasimaha xafiiska duqii Muqdisho Eng Yariisow, ayaa lagu la’yahay nolol iyo geeri kadib markii gurigeeda ay ka baxday muddo labo todobaad ka hor.

Markii ugu war dambaysay waxay ahayd habeen siddeedii fiidnimo ah, kadib markii ay gurigeeda oo ay ku yaallay aagga hay’adda nabad sugida, ka raacday gaari nuuca raaxada oo ay la socdeen shakhsiyaad ay garanaysay.

Tan iyo waqtigaas, dib uguma soo laaban gurigeeda, wax war ahna xaaladdeeda lagama hayo,  taasoo abuurtay shaki ku saabsan in la afduubtay.

Taliyiii hore ee hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sambalooshe, oo aqoon fiican u leh gabadhan, ayaa sheegay in uu tuhunsan yahay in hay’adda nabad sugida ay ku lug leedahay kiiska maqnaanshaha gabadha.

Sambalooshe wuxuu sheegay inuu xog ku hayo in ay gabadhu gacanta ku haysay diiwaanka dhalinyaradii loo qaaday dalka Eritrea islamarkaana ujeedada loo afduubtay ay noqon karto in la baabi’iyo xogo xasaasiya oo ay gacanta ku hayso Ikraan. Taasoo aan la doonayn in ay bannaanka usoo baxdo.

“Dadka qaar waxay igu dhaheen, waxay haysay diiwaan galintii ciidamadii loo qaaday Eritrea. Waxay haysay xogta ciidanka halkaas aaday. Waxay kaloo marqaati ka noqon kartay waxyaabo kale oo xasaasiya oo soo bixi karay” ayuu yiri Sambalooshe.

Sambalooshe wuuxu sheegay  gabadha meesha laga watay in ay tahay goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo islamarkaana gaari kaste oo halkaas gala uu yahay mid la garanayo sidoo kalena ay kaamerooyin ku xiran yihiin, wuxuuna sheegay aamusnaanta NISA in ay muujinayso in kiiskan ay ogtahay.

Qoyska Ikraan ayaa dowladda ka dalbaday in gabadhooda meel loogu sheego, waxayna cabasho ug udbiyeen maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo halka gabadhu ku maqan tahay.

    
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online