4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 16, 2021
Weerar Ismiidaamin oo lagu fashiliyay deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug
 

Jimco, Luulyo, 16, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in koontarool halkaasi ku yaala oo ku sugnayeen ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ay fashiliyeen weerar qarax oo Ismiidaamin ahaa.

Ciidanka ku sugnaa barta koontarool ee laga soo galo deegaanka Bacaadweyne ayaa la sheegay iney toogasho ku dileen wadahii gaariga ku rarnaa waxyabaaha qarxa ee doonayay inuu fuliyo weerarka Ismiidaaminta ahaa.

Gaariga qaraxa ay fashiliyeen ciidanka ayaa la sheegay inuu siday waxyaabo qarxa oo aad u cuslaa waxaana la sheegay in marka wadahii gaariga la toogtay kadibna uu gaarigana qarxay, waxaana la sheegay in gaariga noociisu uu ahaa land Cruiser.

Majiro wax khasaare ah oo laga soo wariyay halkaasi marka laga soo tago ruuxii waday gaariga oo toogashada lagu dilay.

Deegaanka Bacaadweyne waxaa todobaadyo dhaw ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda oo iskaashaya iyo Al-shabaab iyo waliba qaraxyo Ismiidaamin ah oo ay gesyteen dagaalamayaasha Shabaab kadib markii dhawaan dib looga qabsaday deegeenka Bacaadweyne oo shabaabka mudo badan gacantooda ku jirtay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]