4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 15, 2021
Maxammed Abiib "Waxa la yaableh in qofka Borama lagu xidhaba Madheera loo qaado"
 

Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Maxammed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ee cusub, ayaa xukuumada ku eedeyay in dadka reer Borama ee la xidho, ay xabsiyo kale gayso.

Xildhibaan ka oo ka hadlaya dhalinyaro calanka Soomaaliya oo ay qaateen loogu xidhay magaalada Borama, ayaa sheegay in la geeyay xabsiyo gobolo kale ku yaal halkii xabsiyad Borama lagu xidhi laha.

"Qofkasta oo calanka Soomaaliya lasoo baxa waa la xidhi jiray lakin waxa la yaableh in qofka Borama lagu xidhaba Madheera loo qaado" ayuu yidhi.

"Ma xabsiyadi gobolka Awdal baa la baabiiyay?, sababta gobol kasta xabsi loogu sameeyay waa in qofka halka ugu dhaw lagu xidho" ayuu hadalkiisa ku daray.

Maxamed Abiib ayaa madaxweyne Biixi ugu baaqay in uu dhalinyarada calanka Soomaaliya u xidhan ku celiyo xabsiyada Awdal.

"Madaxweyne dhalinyarada yar yar ku celi magaaladoodi oo ehel kooda ka ag dhawee" ayuu yidhi.

Dhalinyaro hablo u badan oo 26 Juun calanka Soomaaliya oo ay soo qaateen loogu xidhay magaalada Boorama, ayaa loo gudbiyay xabsiyo ka baxsan gobolka Awdal.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]