Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Golaha amniga maamul goboleedka Jubbaland ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha amiga deegaanada Jubbaland, waxaana kulanka shir gudoominaayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
newsinsideKulanka ayaa si aad loogu falanqeyay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka guud ahaan deegaanada Jubbaland oo lagu wado in bishaan gudaheeda ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa laga soo saaray go'aano adag oo la xiriira dhanka amniga, waxaana digniin loo diray Odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo xiriir la leh Al-shabaab, iyadoo si gaar ah loo faray Hay'adda NISA intey talaabo adag ka qaado cidii ku xadgudubta amniga.
Gababadii wasaaradda amniga Jubbaland ayaa loogu baaqay iney kasoo dhalaasho sugida iyo xaqiijinta amniga deegaanada maamulka Jubbaland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]