4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 12, 2021
Xildhibaano baaq ku saabsan doorashada shirgudoonka golaha wakiilada u diray madaxweyne Biixi
 

Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Xildhibaanada Aadan Qaasin Sulayman iyo Khadar Cali Xakiin, oo ka wada tirsan golaha wakiilada ee cusub ee Somaliland, ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu da dajiyo doorashada shirgudoonka wakiilada.

Xildhibaan Aadan ayaa sheegay in loo bahanyahay in si dhakhso ah loo qabto doorashada shirgudoonka si buu yidhi quruxda doorashadii Somaliland isku raacdo.

"Waxay ahayd in xubnaha baarlamaanka bari hore layskugu yeedho oo ay doortan shirgudoonka" ayuu yidhi.

"Waxa la iswaydiinayaa, doorashada quruxda badani maxay u dhamaystirmi laadahay".

"Madaxweynuhu wuxu qabtay doorasho qurux badan oo uu sumcad ku helay, lakin waxa la is waydiinaya golayaashi soo baxay maxay u shaqayn laayihiin" ayuu hadalkiisa ku daray.

Xildhibaanka ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu doorashada shirgudoonka da dajiyo.

"Waxan rajaynaynaa in madaxweyuhu dag dag iskugu yeedho, waxan ku baaqaynaa in dag dag layskugu yeedho" ayuu yidhi.

Aadan ayaa sheegay in ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweynuhu musharax gaara wato.

"Warar baa soo baxaya madaxweynaha sharaftiisa dhibaal ku ah, kuwaso odhanaya madaxweynuhu xubin kamida xubnaha ayuu u kaambayn garaynaya" ayuu yidhi.

"Ilaa xubintaa uu cod u helana iskugu yeedhi maayo baarlamaanka, waxan filayaa waxasi in ay tahay xajiimayn guushi madaxweynaha la xajiimaynayo" ayuu yidhi.

Xildhibaan Khadar ayaa isaguna madaxweynaha ugu baaqay in uu da dajiyo qabsoomida doorashada shirgudoonka.

"Madaxweyne baarlamaankii iskugu yeedh gudoomiyaha la doortaana dadka ciida Carafo hala tukado" ayuu yidhi.

Khadar ayaa sidookale dhankiisa sheegay in madaxweynuhu cod u raadinayo xildhibaan uu wato sida darteedna doorashadu u daahday.

"Madaxweyne haday tiradu dhankaaga ka buuxsami laadahay iskugu yeedh, gudoomiyaha la doorta wuu kula shaqayne" ayuu yidhi.

Doorashada shirgudoonka wakiilada ayaa aan ilaa hada qabsoomin, iyadoo wakhtiga ugu badan ay qaadatay maxkamada sare oo la daahday ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraano Online  
[email protected]