9/23/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 12, 2021
Galmudug iyo Puntland oo ka hadlay dad shacab ah oo isku qoys ah oo lagu laayay gobolka Mudug
 

Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka saddex qof oo isku qoys ahaa, kuwaas oo lagu dilay meel ku dhow tuulada Saax-qurun oo kutaala galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo BBC la hadlay, ayaa sheegay in maamulku u howl galay sidii gacanta loogusoo dhigi lahaa maleeshiyaadka falkaasi geystay.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadkaasi loo dilay aano qabiil ayna ahaayeen labo carruur iyo adeerkood oo gacanta ku hayay, iyadoo horay aano qabiil loogu dilay aabbahood.

Dableyda ayaa weerarka kusoo qaaday qoyskan habeen hore saacaddu markay ahayd 12:00 habeenimo, waxayna isla goobta ku dileen saddexda qof, halka uu dhaawac soo gaaray gabadh kale oo qoyska katirsanayd.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland, ayaa ku eedeeyay dilkaan in ay ka dambeeyaan dad xiriir laleh kooxda Alshabaab islamarkaana ujeedada laga leeyahay ay tahay in Galmudug iyo Puntland laga mashquuliyo dagaalka  Alshabaab.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in mar kaste oo Puntland iyo Galmudug bilaabaan duulaan ka dhan ah Alshabab, ay dhacdo in Shabaab iyagoo dad adeegsanaya ay colaad ka huriyaan gobolka Mudug.

Guddoomiye Cabdiladiif ayaa sheegay in dadka falkaas geystay ay yihiin dad reer Puntland ah, wuxuuna sheegay inay ku maqan yihiin oo ay gacanta kusoo dhigayaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/12/2021 8:54 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Xildhibaanada Aadan Qaasin Sulayman iyo Khadar Cali Xakiin, oo ka wada tirsan golaha wakiilada ee cusub ee Somaliland, ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu da dajiyo doorashada shirgudoonka wakiilada.

7/12/2021 8:08 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho xubnaha guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

7/12/2021 7:47 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya, Maxamed Xasan Cirro inuu ka dambeeyo khilaafka iyo kala jabka ku yimid guddiga doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi.

7/12/2021 5:21 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Banaanbaxyo aad u xoogan oo rabshado wata ayaa ka bilaawday gobolada Gauteng iyo KwaZulu Natal ee dalkaasi Koofur Afrika.

7/12/2021 2:15 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaiya ayaa Xalay howgalo baaritaano ah ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Wartanabadda iyo Hodan ee gobolka Banaadir.

7/12/2021 1:45 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Bohol Garas oo ka mid ah deenaanada hoos yimaada degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed.