4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Jenaraal Xuud " Yuusuf Dabageed Baledweyne kuma soo laaban karo diyaarad soo qaadi kartana maleh"
 

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa ka jawaab celiyay hadal dhawaan uu jeediyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed kaasoo ahaa inaan doorasho ka dhici karin Baledweyne hadii uusan imaan madaxweynaha Hirshabeelle.

Hoggaamiye Abuukar Xuud ayaa sheegay in Baledweyne amaan tahay doorashadana ay ka qabsoomi karto, isalamarkaana ugu baaqay dowladda Fedaraalka inay doorashada kuraasteeda taalo Baledweyne lagu qaban karo isagoo balan qaaday iney amaanka sugu doonaan.

Janeraal Xuud ayaa markale ku celiyay inuusan Cali Guudlaawe imaan karin magaalada Baledweyne doorashadana lagu qaban doono, islamarkaana sheegay in Yuusuf Dabageed uu isna kusoo laaban karin magaalada Baledweyne oo uu la mid yahay Cali Guudlaawe.

"Waxaan cadeynaya in maanta kadib Yuusuf Dabageed iyo Cali Guudlaawe isku mid inoo yihiin uuna dib ugu soo labaan karin magaalada Baledweyne, diyaarad soo qaadi kartana aysan jirin" ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Hadalka Jenaraal Xuud ayaa imaanaya xili madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed uu ku sugan yahay degmada Buula burte kaasoo dhawaan sheegay hadii uusan Baledweyne imaan madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe aysan ka dhici doonin wax doorasho ah oo ku saabsan 25-ka kursi ee taala Baledweyne loona wareejin doono Jowhar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]