4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Xarun dhimirka oo laga dhagax dhigay isbitaalka Laascaanood iyo deeq qurbajoog soo gaadhsiisey
 

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo duqa degmada ayaa dhagax dhigay xarun lagu dabiibo dadka dhimirka ka dhaawacan.

Agaasimaha Guud Maxamed Cabdi Xergeeye oo xaruntan ka hadlayey ayaa waxa uu sheegay in ay la socdaan baahida loo qabo xanaanaynta dadka dhaawaca maskaxda ka qaba, isagoo intaas raaciyey in haatan daaweynta dadka jiran ay yihiin mid ka duwan sidii hore ee xabsiga ahayd, in waqtigan si nasteex ah oo aan dadka laga dhex saarayn loo xanaaneeyo.

Masuuliyiin dhoora oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha Gobolka, degmada iyo masuuliyiinta wasaarada iyo isbitaalka ayaa dhamaantood aad ugu dheeraaday baahida loo qabo xaruntan iyadoo ay boqolaal dad ah ay haatan ku xeraysan yihiin goobaha shifooyinka ee gobolka ku yaal.

Dhinaca kale waxaa masuuliyiinta caafimaadka lagu wareejiyey agab caafimaad oo ay soo dhiibeen qaar ka mid ah qurbajoogta dalka mareykanka taas oo ka caawinaysa bulaanka neefsashada.

Cabdijaliil Aw Daahir Afqarshe oo masuuliyiinta caafimaadka gudoonsiiyey agabkan isagoo sheegay in dadka soo dhiibey ay ka jawaabayeen dhawaaqa bulshada Laascaanood oo dhowaanahan wadey dadaal sidii loo heli lahaa Ogsajiin dhaliye waqtiga caabuqa COVID19 uu dhibaatada ku hayey.

Agaasimaha Isbitaalka Laascaanood Fahiima Koosafaare ayaa deeqdan ku tilmaantay mid muhiim u ah iyadoo aad ugu mahad celisey xubnihii soo iibiyey oo kala ahaa Drs Deeqa Cabdilaahi, Dr. Ismaaciil Macalin, ismaaciil Cawil Cabdi iyo Cabdijaliil oo soo gaadhsiiyey, waxaanay dardaaran u dirtay qurbajoogta kale.

Si kastaba ha ahaatee Isbitaalka Laascaanood ayaa haatan ah mid si aad ah ugu dhow baahida bulshada in uu daboolo iyadoo dadku ay haatan si aad ah ugu amaanaan isuduwaha wasaarada oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah madaalena lagu tilmaamo.

Seynab A. Warsame, Hiiraan Online
[email protected]