4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay raysal wasaaraha Ethiopia oo ku guulaystay doorashada dalkiisa

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku guulaystay aqlabiyad wayn oo uu ka helay doorashooyinka dalkaasi, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka dalkaasi.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in xisbiga barwaaqo ee  Mr Abiy uu ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah.

Madaxweyne Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay boggiisa twitterka ayaa yiri,” Waxaan si diirran ugu hambalyeynayaa raysal wasaare Abiy Ahmed oo mar kale dusha saartay waajibaad adag ee shacabka Ethiopia.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay sii wadi doonto la shaqaynta dowladda raysal wasaare Abiy, si loo sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah si ay uga ga faa'iideystaan labada bulsho iyo guud ahaan gobolka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online