4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Banaanbaxyo xoogan iyo boob baahsan oo ka bilawday magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika
 

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Mudaaharaadyo waa weyn oo rabshado wata ayaa ka bilaawday magaalada Johannesburg iyo deegaanada ku teedsan ee dalkaasi Koofur Afrika.

Banaanbaxayaasha la sheegay iney yihiin taageerayaasha madaxweynahii hore ee dalkaasi Koofur Afrika Jacob Zuma kuwaasi oo diidan xariga loo geystay, waxaana banaanbaxyadooda la socdo rabshado ay ku boobayaan goobaha ganacsiga ay leeyihiin dadka ajaanijbta ah ee ku nool dalkaasi.

Dibadbaxayaasha ayaa meelaha qaar ku gubayay taayaro, waxaana meelaha ugu badan ee boobka ay ka geysteen ka mid ah xaafadaha magaalada Johannesburg sida Alexander Township, Hillbrow, Jeeps Town, High Way M2, iyo meelo kale waxaana la sheegay in meelaha goobaha ganacsi ee ugu badan ay ku leyihiin Soomaalida.

Banaanbaxyadaaan iyo boobka daba socda ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ku leh goobaha ganacsi, islamarkaana bilaabay iney alaabahooda kala baxaan goobahooda ganacsi si aanan looga boobin.

Koofur Afrika sanad waliba waxa ka dhaca boob xoogan oo loo geysto goobaha ganacsiga ay ku leeyihiin dalkaasi, waxaana intaa u sii dheer dilal iyo dhaawac si joogta ah loogu geysto, iyadoo dowladda dalkaasina marwalba ay sheegto iney wax ka qaban doonto dhibaatooyinka loo geysto ajaaniibta ganacsiyada ku leh dalkaasi Koofur Afrika.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]