4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Lionel Messi oo koobkisii ugu horeeyay kula guuleystay Xulka Qarankiisa Argentina
 

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Ciyaaryahanka caanka ah ee u ciyaaro kooxda Barcelona ee ka dhisan wadanka Spain, una dhashay Argentina ee Lionel Messi ayaa markisii ugu horeysay xulka wadankiisa kula guuleystay koob caalami ah kadib 16 sano oo uu u ciyaarayay.

Markii ay hal gool iyo ebar ku dhammaatay ciyaartii u dhaxaysay Argentina iyo Brazil ayey dhammaan ciyaartoodii Argentina iyo taageerayaashooda waxay hal mar ku dhawaaqeen magaciisa “Messi” xilli uu isaguna jilbaha dhigtay garoonka dhexdiisa isla markaasna ay ku xoomeen tobankii ciyaartooy ee garoonka kula jiray.

Waxaa farxad badan laga dareemaayay wajigiisa, waxaana muuqatay inuu ka baxay abaartii ka haysay dhanka koobab la’aanta dalkiisa.

Lionel Messi magaciisu wuxuu haystay warbaahinta oo su’aallo ka keenaayay in sannadkaan uu wadankiisa u suura galin karo iney ku guuleystaan koobkaan, madaama mudo aysan koob qaadin.

Messi wuxuu horay koobab badan ugula guuleystay kooxda uu u ciyaaro ee Barcelona, balse waxay koobab la’aan ka haysatay dhanka wadankiisa oo 28 sano ka hor sannadii 1993 ay ogu dambeysay koobkaan.

Ugu dambeyn ciyaaryahankaan qibrada badan ee caanka ah hadda wuxuu u suura galiyay xulka dalkiisa iney markii 15-naad qaadaan Copa America, iyagoona la simay wadanka Uruguay oo  15 mar horay ogu guuleystay koobkaan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]