4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Xubnahii guddiga doorashada gobolada Waqooyi oo kala doortay laba guddoomiye iyo ku xigeenadooda
 

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Waxaa markale soo ifbaxay khilaaf siyaasadeedka oo u dhaxeeya guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, kadib markii xubnaha kala taageersana labada masuul ay si gooni gooni ah u kal doorteen guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen matalaya guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Garabka Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa ugu horeytii shalay galinkii dambe guddoomiye u doortay Khadar Xariir Xuseen, waxaana guddoomiye ku xigeenkiisa loo doortay Najiib Xuseen Samaale.

Xubnaha Shalay is doortay ayaa ahaa 7 xubnood oo isugu jiray afar xubnood oo ka mid ahaa guddigii 8-da xubnood iyo saddex xubnood oo ahaa xubnihii dheeriga ee laga soo magacaabay Xafiiska Rasal wasaaraha, doorashadaas ayaa waxaa ka maqnaa afarta xubnood ee ka socotay dhanka guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

 

Dhinaca kale afartii xubnood ee uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa iyagana Xalay iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Xubnaha guddiga garabka Cabdi Xaanshi oo ka koobna afar xubnood uuna goobjoog ka ahaa xubin ka mid ah guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa iyagana guddoomiye u doortay Suleymaan Ceydiid Cismaan, halka guddoomiye ku xigeenkana ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Xayir.

Guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee garabka guddoomiye Cabdi Xaanshi ayaa ku eedeyay guddiga doorashoyinka heer Fedaraal iney wax ka ogayeen doorashadii garabka Raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed.

Doorashadan Shalay galinkii dambe iyo Xalay ay siyaabo gooni gooni ah ugu kala qabsadeen magaalada Muqdisho xubnahii matalayay guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee kala taabacsana Cabdi Xaanshi iyo Mahdi Guuleed ayaa noqon doonto caqabad cusub oo markale soo korortay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]