9/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 10, 2021
Wararkii ugu dambeeyay qaraxii Ismiidaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay + SAWIRO


Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxa qaraxa kaasoo la doonayay in lagu khaarajiyo Taliyaha guud ee qeybta Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud, Farxaan Qaroole.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta kula hadlay goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inuu qaraxa geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana uu ka badbaaday weerarka Taliye Farxaan Qaroole oo u jeedku ahaa in lagu khaarajiyo.

"Weerar argagixisada soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxiyay walxa qarxa, kaasoo lagu weeraray Taliyaha guud qeybta Booliiska ee gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, Taliyaha wuu nabad qabaa walow uu jiro khasaare uu reeby qaraxa ka dhacay Isgoyska Banaadir, dhimashada waa 5 ruux dhaawacana waa 9 qof kuwaas oo u badnaa dhamantood dad wadada maraayay" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Sadiiq Aadan.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka muuqday burbur aad u xoogan oo gaaray dhismayasha ku yaala halkaasi iyo waliba kuwa xaafadaha ka agdhaw.

"Weerarada Argagixisada ee noocaan oo kale ah ma noqon doonaan kuwa naga niyad jabiya shaqada qaranka aan u haayno" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Sadiiq Aadan.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka qaraxa Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay iney ku dileen 4 askri oo ka tirsnaa ilaalada Taliye Farxaan Qaroole, kuna dhaawaceen 5 kale oo isla ilaalada taliyaha ka mid ahaa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/10/2021 2:45 PM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Tiro hoobiyeyaal ah ayaa daqiiqado ka hor kusoo dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada.

7/10/2021 12:03 PM EST
Sabti , Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Will yar oo lagu magacaabi jiray Mustafe Barkhad, ayaa ku geeriyooday barkad ku taala deegaanka Cadda dhaadheeray ee degamada Gabilay.

7/10/2021 9:11 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Ra'sul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa ka dagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo si ballaaran loogusoo dhoweeyay.

7/10/2021 7:56 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kula xisaabtami doono doorashooyinka aqalka hoose ee ka dhicidoono magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey.

7/10/2021 4:06 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa ka badbaaday Qarax loo adeegsaday gaari kaas oo lagu weeraray kolonyada taliyaha oo marayay Isgoyska Banaadir.

7/10/2021 3:30 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa daqiiqado yar kahor ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

7/10/2021 3:12 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Ciidamada amniga Puntland oo shalay qaaday hawlgal ciidan ayaa kooxda Daacish ka saaray fariisinkoodii tuulada Timirshe ee gobolka Bari, sida lagu sheegyay qoraal kasoo baxay taliska ciiddanka nabad sugida Puntland ee PSF.

7/10/2021 2:31 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Koofur Afrika gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo KwaNobuhle Township ee gobolka Eastren Cape ayaa sheegaya in halkaasi Xalay saqdii dhexe ay ka bilaawdeen rabshado xoogan oo ay daba socdeen boob loo geystay dukaamo ganacsi oo ay halkaasi ku lahayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed.

7/10/2021 2:21 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Magaalada Jigjiga ee caasimadda degaanka Soomaalida ayaa maalmahan aad looga dareemayaa qiimaha maciishada iyo nolosha kale oo aad u kacday.

7/10/2021 1:42 AM EST
Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maanta ay gaaraan magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.