4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 10, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo
 

Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maanta ay gaaraan magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Qaban-qaabo aad u sareysa oo lagu soo dhaweynaayo Raysal wasaare Rooble ayaa laga dareemaya degmada Garbahaareey, halkaas oo aay shalay gaareen wafdi hordhac ahaa oo ka socday xafiiska Raysal wasaare Rooble si ay uga qeyb qaataan soo dhaweynta ay u sameynayaan shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu magaalada Garbahaareey kulamo kula qaato qeybaha kala duwan ee ku nool degmadaasi, si xal looga gaaro khilaafka ka taagan Gedo ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Safarka Rooble ee magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey ayaa ah ujeedkiisa siduu xal waara ugu heli lahaa arrinta Gedo oo si aad ah u noqotay mid dhuunta u gashay hanaanka doorashada dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]