4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 1 , 2021
Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay iney gacanta kusoo dhigeen rag burcad ah
 

Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay rag falal burcadnimo ah ka geysan jiray magaalada Muqdisho, kadib howlgalo burcad sifeyn ah ah oo aay ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlaglo dheeraad ah oo ay sameyeen ciidanka Booliiska Soomaaliya ay u suurta gashay iney gacanta kuso dhigaan ilaa lix dhalinyaro ah oo ku eedeysan falal la xariira dhac ay ka geysteen magalada Muqdisho.

"27-Jun-2021, ayaa burcad wadata mooto Bajaaj, waxey zone Trabune dhac ugu geysteen muwaadin Soomaaliyeed, ayaga oo adegsanaya Pistolad, Dhibanihii oo u dacwooday barta Xariirka Ciidanka iyo Shacabka 991, ayaa gacanta lagu soo dhigay. 29-Jun-2021, ayaa burcad kale oo hubeysan ayaa dhac ugu geystay irida Hospital Shaafi muwaadin Soomaaliyeed, ashtakada oo loo gudbiyay 991, ayaa sahashay in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha isaga iyo cadeymihii. 29-Jun-2021, ayaa markale labo dhalinyaro ah oo ku hubeysan pistolad ay dhac ku fuliyeed, Carwo KAAH ELECTRONICS iyaga oo ka qaatay tiro Mobailo ah iyo qalabkooda ashtako ka dib, waxaa gacanta lagu soo dhigay mid ka mid ah eedeysnayaasha kii kalana dhawaan ayaa gacanta lagu soo dhigayaa insha alaah. 30-Jun-2021, ayaa gacanta lagu soo dhigay 2 burcad ah oo hubeysan oo gadiid isticmaali jiray, waxey ahaayeen caadrystayaal horay dhac ugu geystay Mobailo iyo Dahab, iyaga oo midkood kufsi horay ugu geystay, ashtakada dhibanayaashu u gudbiyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kadib ayaa gacanta lagu soo dhigay iyaga iyo cadeymahoodii" ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliiska Sadiiq Aadan Cali.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale ku booriyay shacabka Soomaliyeed iney foojignaadaan xiliyada aay gadiidka aay raacayaan oo aysan aqoonin cida wadata, islamarkaana waxii dhibaato ah oo ay arkaan lasoo xariiraan nambarka gaaban 991, oo laga helayo Booliiska Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in dadkii horay dacwadaha usoo gudbistay agabkooda ay heli doonaan maxkamadeynta ragan burcada kadib, islamarkaana ka doonan doonan Saldhigyada ciidanka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]