Talaado, Janaayo, 05, 2021 (HOL) - Xubno ka tirsan guddiga doorashada wali leysku khilaafsan yahay ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddigan oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 12 xubnood ayaa soo dhameystay tababar la xiriira arrimaha doorashooyinka.
Guddiga gaaray maanta magaalada Baydhabo ayaa imaanaya xili kulan gaar ah xarunta madaxtooyada ay ku yeesheen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdcasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in la gudagalo doorashada xubnaha xildhibaannada Aqalka Sare oo ay guddiga doorashooyinka ku dhawaaqeen.
Guddiga doorashada ayaa jadwalkoodii doorasho ee hore noqday mid fashilmay oo aan hergalin, laakiin markan qorshuhu wuxuu yahay in la guda-galo qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]