4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
Dagaal mar kale laga cabsi qabo degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo

 

Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya Axmed Buule Gareed ayaa sheegay in wali ay taaggan tahay cabsi laga qabo dagaal mar kale a dhici kara gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beled-Xaawo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka degmada ay soo food saartay baqdin ay ka qabaan in mar kale gudaha degmada ay ku dagaalamaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo horkacayo howlgalka ka dhanka ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ayaa ku hanjabay in ay weerar culus ku qaadi doonaan degmada Beled-Xaawo isaga oo ugu baaqay shacabka in ay arintaa ka foojignaadaan.

Dadka shacabka ay ayaa qaarkood bilaabay in durbaba ka barakacaan qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada kaddib markii dagaalkii ugu danbeeyay khasaare ba'an uu ka soo gaaray dadka rayidka ah,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]