4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2021
Xubno ka tirsan Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay gobolka Bakool

 

Sabti, Janaayo, 30, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn saacadihii aynu soo dhaafnay laga fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool oo ay ku sugnaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Duqeynta oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa lagu beegsaday deegaan lagu magacaabo Ma'madoow oo hoostaga degmada Xudur oo bilihii ugu danbeeyay go'doon ugu jirtay xoogagga Ururka Al-shabaab,

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in duqeyntaa lagu laayay sida ay hadalka u dhigeen saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Lama sheegin halka laga lahaa diyaaradaha howlgalka fuliyay hasse ahaatee maalmihii ugu danbeeyayba qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya waxaa duqeymo cirka ka ah ka fulinayay diyaaradaha Mareykanka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aadan weerarka ka dhacay gobolka Bakool.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]