6/9/2025
Today from Hiiraan Online: Puntland pardons 26 Yemeni fishermen detained for illegal fi...
Wararka Maanta- Axad, Jan 3 , 2021
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo ka digay halista heshiis shidaal baaris oo ay sheegeen in dowladda soomaaliya la galayso shirkaddo shisheeye
 

Axad, Janaayo, 03, 2021 (HOL) - Golaha midowga murashixiinta  Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray digniin ku saabsan halista heshiis qarsoodi ah oo shidaal baaris ah oo ay dowladda federalku la galayso shirkaddo shisheeye.

Murashixiinta waxay sheegeen in wasaaradda macdanta iyo batroolka oo dowladda wakiil u ah ay dhawaan heshiis shidaal baaris ah la galayso shirakaddo laga leeyahay dalka dibadiisa.

Shirkadahaas oo lagu kala magacaabo Liberty iyo Coastline ayay murashixiinta sheegeen inay damacsan yihiin in loo saxiixo heshiis shidaal baaris oo halis ku ah kheyraadka ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed.

Hakaan hoose ka akhriso digiinta kasoo baxday heshiiska.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
abdiwali.sheikh@hiiraan.com