Jimco, Janaayo, 29, 2021 (HOL) -Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa lagu soo dhaweeyay tallaabadii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixay 13ka Kursi ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu yiri '' saxiixa madaxweynaha ee Kuraasta gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka sare waa xaq dastuuri ah oo gobolka Banaadir siinaya mid la mid ah mataallada Aqalka sare ay ku leeyihiin gobollada kale ee dalka.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]