4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2021
Dowladda Soomaaliya oo degmada Xudur gaarsiisay gargaar raashin ah

 

Khamiis, Janaayo, 28, 2021 (HOL) - Degmada Xudur ee gobolka Bakool oo toddobadyadii aynu soo dhaafnay siweyn looga deyrinayay dadka ku dhaqan xaaladooda nolaleed ayaa waxaa maanta gaaray duulimaadyadii ugu horreeyay oo sida deeq raashin ah oo ay dowladda Soomaaliya u dirtay.

Labo diyaaaradood oo sida shixnado gargaar raashin hor dhac ah ayaa gaaray degmada Xudur halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay halkaasi gaaraan dulimaayado kale oo wadda gargaar kala duwan oo lagu caawinayo dadka degmada oo muddo dheer ay go'doon ku hayaan xoogagga Ururka Al-shabaab oo ka xirtay dhamaanba jidadkii ay u mari lahaayeen shixdaha kala duwan ee loo iibgeeyo oo ay ka mid yihiin quutul-daruuriga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]