4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2021
Wasiirro ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray gobolka Gedo

 

Khamiis, Janaayo, 28, 2021 (HOL) - Wafdi Wasiirro ah oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa gaaray degmada Dooloow ee gobolka Gedo, halkaa oo la geeyay ciidamadii dhawaan lagu qabtay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay degmada Beled-Xaawo.

Xubnaha Wasiirraddaha ah ee socda Xukuumadda Federaalka ee taggay degmada Dooloow ayaa kala ah Waiirka Wasaarradda Cadaallada, Warfaafinta iyo Gaashaandhigga oo ay wehlinayaan saraakiil ciidan, iyadoo uu halkaa ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gared.

Ujeedada socdaalka wafdiga ka socda dowladda dhexe ayaa lagu sheegay in ay qiimeyn guud ku sameeyaan khasaaraha ka dhashay dagaalkii Isniintii toddobaadkan ka dhacay degmada Beled-Xaawo iyo xaalada maxaabiistii lagu qabtay dagaalka.

Inta ay joogaan gobolka Gedo ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan mas'uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada oo ay kala hadli doonaan xaalada guud ee gobolka iyo adkeyta nabad-galyada

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]