4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2021
War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Hergalinta doorashada heer federaal

 

Arbaco, Janaayo, 27, 2021 (HOL) - Iyadoo wali aan laga heshiin khilaafka ka taaggan qabsoomida doorashada heer federaal ayaa warbixin arintan ku saabsan waxaa soo saaray guddiga her galinta doorashooyinka heer federaal.

Guddiga ayaa warbixintooda ku dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhameeyo wixii khilaafaad ah ee ka jira arrimaha doorashada, iyaga oo dhinacyada arintani quseyso xasuusiyay  in mas’uuliyadda fududaynta qabsoomidda doorashada tahay mid saaran hoggaanka Golaha Wadatishiga.

Wakiilada beesha caalamka ayaa dhankooda dadaalo badan u galay sidii leysugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada isku diidan doorashada gaar ahaan dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada..

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]