4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2021
Jubbaland oo beenisay in maxaabiis looga qabtay dagaaladii ka dhacay magaalada Balad-xaawo
 

Isniin, Janaayo, 25 2021 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siinayay VOA Somali ayaa beeniyay in dowladda federalka Soomaaliya ay gacanta kaga dhigtay ciidamo Jubbaland oo ka qeyb qaatay dagaaladii xalay iyo maanta ka dhacay Balad-xaawo.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya inuu ka been sheegay xaqiiqada dagaalka Baladxaawo islamarkaana aysan ciidankooda wax ka qusaynin maxaabiista baraha bulshada lasoo dhigay.

“Nin wasiir ah oo qaran Soomaliyeed matalaya inuu ciidan Soomaaliyeed oo uu wasiir u yahay ku tilmaamo maxaabiis, waxay ila tahay garashadiisa ayaa halkaas geysay, anaguna hadda kama jawaabayno,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka in ay masuul ka tahay khasaaraha ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Balad-xaawo, wuxuuna sheegay madaxda dowladda Soomaaliya in ay ku fekerayaan in dalka lagu maamuli karo xabbad iyo xoog.

Dhinaca kale, wuxuu been abuur ku tilmaamay in ay dowladda Kenya ku lug leedahay dagaalada ka dhacay Balad-xaawo, isagoo sheegay in ay tahay qorshe dowladdu ku banaysanayso dhiigga Jubbaland, waa sida uu hadal u yiri.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]